402 Views

Dowladda Federaalka oo digniin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka oo digniin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 15, 2022

Wasaaradda Ganacsiga XFS ayaa ganacsatada Soomaaliyeed amartay in wax wada shaqeyn ah aysan la sameyn karin kooxda Al-shabaab.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa sheegay in ganacsatada ay “si toos ah uga qeyb-qaataan dilka shacabka”.

Sidoo kale Wasiirka waxa uu sheegay in dowladda ay la wareegi doonto hantida shirkad kasta oo lagu helo in ay gacan-saar la leeyatay Al-shabaab lagana laaban doono shatiga.

Wasiir Jabriil ayaa shaaciyey in ay jiraan Maraakiib la shaqeysa Ururka Al-shabaab oo u sheega hantida ay wadaan iyo cadadka hantidaas ka hor inta aysan Soomaaliya soo gaarin.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji waxa uu dalbaday in Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda uu arrintaas wax ka qabto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post