750 Views

Guddigii loo saaray baaritaanka gafkii ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka badda ay go’aan gaareen iyo Villa Soomaaliiya oo ka hortimid Go,aankaas

Guddigii loo saaray baaritaanka gafkii ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka badda ay go’aan gaareen iyo Villa Soomaaliiya oo ka hortimid Go,aankaas
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

Guddigii loo saaray baaritaanka gafkii ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka badda ayaa la sheegay inay go’aan gaareen, inkastoo cadaadis ay kala kulmayaan dhanka Madaxtooyada oo ku saabsan shaacinta go’aankaas.

Xogta aan ka heleyno Xubnaha Guddiga baaritaanka waday oo ka kooban shan Generaal, ayaa la sheegay inay isku raaceen falka uu ku kacay Taliyaha ciidanka Badda uu ahaa mid aad u baalmarsan anshaxa Ciidanka, waxayna go’aamiyeen in xilka laga qaado sida ku cad warqad ku taariikhaysnayd XTCC/2084/12/21 taas oo loo diray Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Odawaa Yuusuf Raage.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa go’aanka guddiga uu ka horyimid, isla markaana dib ugu diray Warqad sumadeedu aheyd XTC/XDS/1757/21 oo uu Guddiga ku waydiinayo su’aalo ay horay uga jawaabeen iyo handadaad ka dhan guddiga.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhiga oo markii hore amray baaritaanka aan lala wadaagin jawaabtii Guddiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post