1095 Views

SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray Xarumo ku yaalla Baydhabo

SAWIRO:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray Xarumo ku yaalla Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa uu Maanta kormeer ku tegay  Xafiisyada Madaxtooyada iyo Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta Koonfur Galbeed.

 

Kormeerka ayaa ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed (laftagareen) iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada, isaga oo la dardaarmay dhamaan Shaqaalaha Xarumihii uu booqday.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo Xerooyinka Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin Magalada Baydhabo iyo duleedkeeda, isaga oo kulamo la qaadan doona Saraakiisha Ciidamada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment