813 Views

Madaxda D/goboleedyada oo hambalyo u diray Aadan Madoobe

Madaxda D/goboleedyada oo hambalyo u diray Aadan Madoobe
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 28, 2022

 Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabelle ayaa soodhaweeyay dooraahadii xalay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka loogu doortay Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe taas oo ka dhacday xarunta teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni qoraa uu soo saaray ayuu ku yiri “Waxaan u hambalyeeynaya Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka JFS Mudane  Shiikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe), waxaan u rajeynaya in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday xilli uu dalkeenu u baahanyahay in laga gudbiyo marxalad adag.

Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay shaqada adag ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, kuwaas oo uu sheegay inay dhammaantood u dhabar adaygeen shaqo masiiri ah, xili ay soomanaayeen.

“Waxaan boggaadinaya shaqada adag ee ay qabteen Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka JFS, Guddiga Doorashadda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Ciidamada Amniga sugaya, waxaad dhammaan u dhabar adaygteen shaqo masiiri ah xili aad soomantihiin idinkoo ku dhex afuray kuna dhex suxuuranaya gudashada waajibaadka idinka saaran Qaranka.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale, wuxuu rajeeyay in sidoo kale doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Gobolaha Shacabka JFS inay ku soo dhammaato si wanaagsan.

Sidoo kale, dhankiisa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxaa uu ku yiri qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa “Waxaan hambalyo u dirayaa Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka 11aad ee BFS. Waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa dhamaan Xildhibaanada BFS oo juhdi badan ku bixiyay sidii ay u dooran lahaayeen hoggaan rasmi ah oo dalka ka saara xaaladdan kala guurka”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post