1347 Views

Wasiiirkii hore Amniga “Taliyayaasha cusub howlaha booliska waxba kama yaqaanaan, sidii NISA ayey u shaqeynayaan”

Wasiiirkii hore Amniga “Taliyayaasha cusub howlaha booliska waxba kama yaqaanaan, sidii NISA ayey u shaqeynayaan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 24 Maarso, 2019 –Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku tilmaamay taliyaasha cusub ee xalay la magacaabay inaysan waxba ka aqoon howlaha loogaga baahan yahay ciidamada Booliska oo ay u shaqeyn doonaan sida NISA oo kale

Xildhibaan C/risaaq ayaa sheegay in ragga la soo magacaabay ay yihiin dhalinyaradii ka tirsaneyd Nabad Sugidii gobolkan ee la baabi’iyay, kuwaasoo markii shaqo loo waaay lagu safay Saldhigyada Caasimada, isagoo sheegay inuusan wax rajo ah ka qabin iney wax ka qabtaan amni xumada ka jirta magaalada.

“Taliyayaasha degmooyinka laga dhigay waa isla nabad Sugidii, iyagii unbaa Koofiyadii laga bedelay, waxaan rabnaa dowladda inay shacabka Soomalaiyeed ciyaarta ka deyso, booliskii degmooyinka waxey ahaayeen kuwo sharciga yaqaana kana shaqeynayay isku xirka booliska iyo Shacabka” ayuu yiri Xidlhibaan C/risaaq.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in sida uu u shaqeeyo Taliyha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir aaney aheyn shaqadii laga bartay booliska, shaqada booliska waa in sharciga la ilaaliyaa, howshooda waxey eheyd mid habeenadii dadka loo dhacaayo, waana shaqadii nabad Sugida lagu yaqaanay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

12 Taliye ayaa loo soo magacaabay Saldhigyada magaalada Muqdisho, iyadoo xilalkii laga qaaday raggii hore ugu magacawnaa, waxaana dadka la soo magacaabay ay dhamaantood yihiin Nabad Sugidii la shaqeyneysa Saadaq Joon.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment