831 Views

Antonio Guterres oo Daalibaan ugu baaqay inay is xakameyaan si nolasha dad badan u badbaado.

Antonio Guterres oo  Daalibaan ugu baaqay inay is xakameyaan si nolasha dad badan u badbaado.
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,ayaa Ururka Daalibaan ugu baaqay inay is xakameyaan si nolasha dad badan u badbaado.

Isaga oo la hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa waxaa uu sheegay inuu maqlay warar ku aaddan xannibaadyo adag oo lagu soo rogay xuquuqda aadanaha dalka oo dhan”.

“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha Afgaanistaan,” ayuu yiri.

“Ma awoodno mana ahan inaan ka tagno dadka Afgaanistaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu ugu baaqay Golaha inay adeegsadaan dhammaan wax kasta oo ay awoodaan si loo caburiyo halista argagixisada caalamka ee Afgaanistaan loona hubiyo in la dhowro xuquuqda aadanaha, wuxuuna sheegay in dhammaan waddamada ay diyaar u yihiin inay qaataan qaxootiga Afgaanistaan.

Guterres wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ay weli shaqaale ka joogaan isla markaana xafiisyo ku leedahay meelaha uu hadda ka taliyo ururka Daalibaan, ayna sii wadi doonaan joogitaankooda iyaga oo haddba ku qiimaynaya sida xaaladuhu noqdaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post