240 Views

Gobolka Gedo oo ka maqan maamulka Jubbaland waxaana saamayn ku lahayd gobolka Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya

Gobolka Gedo oo ka maqan maamulka Jubbaland waxaana saamayn ku lahayd gobolka Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya
____________________________________________________________________________

 Axad: December 18, 2022

Gobolka Gedo oo ka maqan maamulka Jubbaland ee Axmed madoobe uu hogaamiyo Saddexdii Sanno ee lasoo dhaafay, waxaana saamayn ku lahayd gobolka Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya, wuxuuna kamid ahaa goobaha ay sida wayn ugu loolameen dawladda Soomaaliya iyo Kenya.

Axmed Madoobe iyo Madaxwayne Xasan sheikh ayaa dedaalo aan guulaysan geliyey in gobolka la hoos geeyo maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale maalintii shalay waxaa soo kacay Hirarka siyaasadeed ee gobolka, waxaana is badalay Jihadii ay wax ku socdeen, Waxaana gobolka Soo galay Jen. Fartaag oo ah Senetar iyo C.rashadiid Janan oo horay dagaal ugu galay gobolka Gedo.

Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Gedo ayaa hada go’aansaday inay danahooda ka tashadaan, Waxaana Tallaabadan ay culays ku noqon doonto maamulka Axmed Madoobe.

Sidoo kale C.rashiid Janan iyo Fartaag waxay gobolka kasoo galeen dhinaca Kenya, Iyadoo la aaminsan yahay inay kenya isku diyaarinayso inay Xukuumadda Soomaaliya ula dhaqanto sidii ay ula dhaqantay Xukuumaddii Madaxwayne Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post