585 Views

Wasiirka Gaashaandhigga oo Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil

Wasiirka Gaashaandhigga oo Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil
____________________________________________________________________________

Talaado: August 31, 2021


Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ahna Senatorka la soo doortay ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Waxaa munaasabadda ka soo qeybgalay Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga.

Intii munaasbadda Socotay Wasiirka Wsaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ahna Senatorka la soo doortay ayaa Shahaado Sharaf gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha ka tirsan Ciidanka XDS ee Tababarka usoo idlaaday, gaar ahaan Saraakiisha muujiyay howlkarnimo iyo dadaal intii ay ku jireen Akadeemiyadda.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Dowladda Turkiga ugu Mahadceliyay Tababaradda iyo taageerida ay la garab taagantahay ciidanka XDS.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post