2286 Views

Sawirro:-Wasiir Sabriye Iyo Madaxda Galmudug Oo Kulan Ku Leh Dhuusamareeb

Sawirro:-Wasiir Sabriye Iyo Madaxda Galmudug Oo Kulan Ku Leh Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  26, 2019 –Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxa uu haatan kulan uga socdaa Magaalada Dhuusamareeb.

Kalanka ka socda Xarunta Maxtooyadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa looga hadlayaa sidii la isugu soo dhaweeyn lahaa maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana loo dhameeyn lahaa Khilaafka u dhexeeya labada dhinac sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada Galmudug bartamaha sanadkaan.

Sidoo kale Kulankan ayaa ah mid Albaabadu ay u xiran yihiin,iyadoona Saxaafada ay dib joog ka tahay.

Wasiir Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay .

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya inta halkaasi uu ku sugan yahay ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha bulshada ku dhan Dhuusamareeb.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta si aad ah loo adkeeyay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment