1098 Views

Axmed Madoobe iyo Xubno kale oo Kismaayo kusoo laabtay

Axmed Madoobe iyo Xubno kale oo Kismaayo kusoo laabtay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 28- 2020–Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta waxaa ay dib ugu soo laabteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

 

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir Sheekh Maxamuud lugadheere,Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland iyo qaar kamid ah Bulshada Magaalada Kismaayo.

 

 

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wafdiga Axmed Madoobe uu qeyb ka yahay Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo kamid ahaa Xubnihii Isbedel-doonka Jubbaland ee heshiiska la gaaray Axmed Madoobe iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Jubbaland.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ahaa Xubnaha ugu sareeye Isbedel-doonka Jubbaland uu ku haray Magaalada Kismaayo sababo aan la sheegin.

 

Axmed Madoobe iyo Cabdi Rashiid  Xidig oo haatan ku sugan qeybta nasahada ee Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa la filayaa inay goordhow Warbaahinta la hadlaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment