771 Views

kooxda Barcelona oo wada hadal la furay weerar yahanka Faransiiska ee Ousmane Dembele.

kooxda Barcelona oo  wada hadal la furay weerar yahanka Faransiiska ee Ousmane Dembele.
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Wararka la isla dhex marayo ee Kubadda Cagta ee Yurub ee toddobaadkan ayey isa soo tarayaan, iyadoo kooxaha iyo ciyaar yahanada heshiisyadoodu uu isbedelo ku iman karaan.

Isbadaladaas waxaa kamid ah, Kooxda Juventus ayaa lagu wadaa iney wada hadalo la furto ciyaaryahanka qadka dhexe ee Aaron Ramsey, oo 30 jir ah, inkastoo aanu jirin heshiis kontaraak oo kula jooggo kooxda Arsenal.

Sidoo kale, kooxda Barcelona wakiillo ka socda ayaa iyaguna wada hadal la furay weerar yahanka Faransiiska ee Ousmane Dembele, sidii ay heshiiskiisa u sii kordhin lahaayeen, inkastoo aaney wada hadalku meel wanaagsan gaarin, haddana kooxdu waxey rajeyneysaa in meel wax la isla dhigo.

Kooxda Arsenal ayaa indhaha kuheysta, iyadoo u gudbisay dalab goolhayaha kooxda Ajax Andre, oo 25 sano jir ah, ha yeeshee wali ma aanu sheegin aqbalaadda dalabkaasi. Ciyaaryahankan ayaa u dhashey dalka Cameroon.

Kooxda Brighton ayaa dooneysa iney sii kordhiso heshiiska uu kula joogo weerar yahan Danny Welbeck, kaasoo ah 30 jir u dhashey Ingiriiska.

Scott Parker oo ah maamulaha guud ee kooxda Fulham, ayaa la quud dareynayaa inuu isaga tago kooxda toddobaadkan, isagoo noqonaya maamulaha cusub ee kooxda Bournemouth.

Norwich City iyo Southampton waxey kamid yihiin kooxaha kula loolamaya kooxda Blackburn Rovers weerar yahan Adam Armstong, oo ah 24 jir ah, kaasoo ay ugga harsan tahay sanad heshiiska kooxda uu haatan kula jooggo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post