1113 Views

Kooxo Hubeysan oo weeraray saldhiga ciidamada dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe

Kooxo Hubeysan  oo weeraray saldhiga ciidamada dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

nta la xaqiijiyay 6 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay toboneeyo kalena waa ay ku dhaawacantay weerar ay koox hubeysan ku qaadeen xero ay degenyihiin ciidamada dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe oo ku taala waqooyi bari dalkaas.


Afhayeen dawlada u hadlay ayaa sheegay in maleeshiyaad ka tirsan urur hubeysan oo ka dagaalamaya waqooyiga jamhuuriyada Afrikada dhexe oo magacooda loosoo gaabsho 3R ay weerareen saldhiga ciidamada ee magaaladda Maan halkaasoo uu sheegay inay 6 ruux oo rayid ah ku dileen in ka badan 10 kalena ku dhaawaceen.


Afhayeenkaan oo la yiraahdo Korneyl C/casiis Fall waxaa uu sheegay inay jirin wax khasaare ah oo ciidamada soo gaaray waxaana uu intaa ku daray inuu socdo hawlga ka dhan ah kooxda weerarka qaaday oo lagu raadjoogo.


Hawlgalka Q,M ee jamhuuriyadda Afrikada dhexe jooga ee la yiraaho MINUSCA ayaa sidoo kale weerarkaas xaqiijiyay.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post