1362 Views

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shir Looga Hadlaayay Is Dhexgalka Ganacsiga

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shir Looga Hadlaayay Is Dhexgalka Ganacsiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11,, 2019  –Wasiirka maaliyada Xukumada Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in shirkii lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis ababa ee Dalka Itoobiya looga hadlay sidii ay Waddamada Gobolka wax u wada qabsan lahaayeen iyo sidii loo kobcin lahaa dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Mandiqadda Geeska Afrika.

Mudane; Beyle, oo u warramayay Idaacadda BBC-da ayaa intaa ku daray in ay Madaxda Waddamada Gobolka ee halkaasi ku kulmay isla meel dhigeen sidii Dal kasta loola wadaagi lahaa baahiyahiisa gaarka ah.

Qodobbada layku Afgartay ayuu Wasiirku ku sheegay, dhismaha Waddooyinka isku xira Waddamada Geeska, In laysu furo Ganacsiga iyo In la hagaajiyo lana ballaariyo Dekedaha Mandiqadda gaar ahaan kuwa Soomaaliya.

Shirkan Madaxda Waddamada Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Eretrea , African Development Bank iyo Bankiga Adduunka ugu soo idlaaday Magaalada Addis ababa, ayaa ah kii Saddexaad ee ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Gobolka, kaas oo inta badan lagu gorfeeyo sidii loo maareyn lahaa danaha ka wada dhexeeya Dalalkan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment