1122 Views

Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay lacag Dollar been abuur ah

Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay lacag Dollar been abuur ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 12  2020–Ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa la sheegay inay Gacanta ku dhigeen lacagta loo yaqaan Dolarka Madow Ee Been abuurka ah iyo Qamri badan iyo sidoo kale dad lagu soo qabtay.

Howlgalka lagu soo qabtay lacagta been abuurka ah ayaa Ciidamada Soomaaliland waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan Hargeysa, Burco iyo Gobolka Sanaag,waxaana la sheegay in sidoo kale dad gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliland Feysal Xiis ayaa sheegay in dadka dollarka been abuurka ah ay doonayeen in ay dadka dadka bedeshaan lacagta Soomaaliland laga isticmaalo taas oo bulshada dhibaat ku ah.

Waxaa uu sheegay in falkaasi ay u hayaan Shan rag ah iyo haweeneey,kuwaas oo uu sheegay in dhawan la horkeeni doono Maxkamadda Magaalada hargeysa si tallaabo looga qaado.

Waa markii labaad oo sanadkaan Gudihiisa ay ciidamada Soomaaliland ay gacanta ku dhigaan lacago Dollar been abuur ah,kuwaas oo ay Boolisku sheegeen in dad loo maxkamadeeyay dadka kalena loo maxkamadeynaayo

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post