1122 Views

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo amray in bartilmaameedsado qoryaha guryaha lagu haysto, ee loo yaqaan “qoryaha cirfiidka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo  amray in bartilmaameedsado  qoryaha guryaha lagu haysto, ee loo yaqaan “qoryaha cirfiidka
____________________________________________________________________________

April 9-4-2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saaray amar lagu bartilmaameedsanayo qoryaha guryaha lagu haysto, ee loo yaqaan “qoryaha cirfiidka” kuwaasoo lagu sheegay iney diiwaangashanayn helitaankooduna adag yahay.

“Rabshadaha qoriga uu sababa oo gudaha Mareykanka ka dhaca waa masiibo” ayuu yiri khamiistii

Madaxweyne Biden ayaa ku dhawaaqay in la qaado tallaabboyin horleh oo loo marayo amar fulineed uu bixiyey, taasoon u baahneyn inuu aqalka kongreska meel mariyo.

Tallaabbooyinkaasi oo ay ka mid yihiin noocyada qoryaha xeer in loo dajiyo, asalkooda in la baaro iyo in la taageero tallaabba kasta oo looga hortagayo rabshadaha maxalliga ah ee hubkaasi ka dhasha.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha awaamiirtan cusub uu bixiyey wuxuu kala kulmi doonaan culeys aan yareen. Xaqa hub qaadashada maadaamaa uu ilaalinayo dastuurka labaad ee Mareykanka ee isbeddelka lagu sameeyey dad badanna xakameynta hubka ay u arkaan mid xadgudub ku ah xuquuq dastuuri ah oo ay muwaaddinintu leeyihiin.

Saacado un marki ay ka soo wareegtay iclaaminta madaxweyne Biden ee hubka in la uruuriyo, hal qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gobolka Texas ee Mareykanka. Halka shan qof oo goob ka dukaameysaneyna ay ku dhaawacmeen.

Sida oo kalana hal askari ayuu dhaawac soo gaaray xilli ay booliska ku raad joogeen soo qabashada shaqsi lagu tuhmay inuu weerarkaasi geystay.

Arbacadina 5 qof oo ay 3 ka mid ah yihiin carruur ayaa lagu dilay South Carolina. Qofka looga shakisan yahay inuu weerarka geystay oo magaciisa lagu sheegay Philip Adams uu yahay ciyaartooy hore.

Weerarkaasina waxaa ka horreeyey labadi weerar ee ka kala dhacay Colorado iyo Georgia oo ay ku dhinteen 18 qof.

Biden muxuu sheegay?

 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Khamiisti ka hadlayey beerta Rose ee Aqalka Cad wuxuu sheegay dalka Mareykanka maalin kasta dad ka badan 106 qof iney naftooda ku waayaan weerarro hubkaasi loo adeegsaday.

“Arrintan waa masiibo, waa in la joojiyaa” ayuu yiri.

Wuxuu sida oo kale uu farriin tacsi ah uu diray ehelada dadki lagu dilay South Carolina.

Amarka sare uu Mr Biden bixiyey oo uu gaarsiiyey Waaxda Caddaaladda waxaa looga fadhiyaa iney 30 maalmood gudahood uga so jawaabto ayna soo saato awaamiir lagu xakameyn karo hubka sharci darrada ah.

Qoryahaan ayaa ah kuwo gacan ku sameys ah, taas oo micnaheedu yahay inaysan lahayn lambarra taxana ah oo laga tixraaco ama lagu raadin karo.

“Cid kasta oo dambiila ah ama argagxisa ah hubkaasi wey iibsan kartaa, wax ka yar 30 daqiiqana qori waa la isku xirixri karaa si hub dhammeystiran uu u noqodo” ayuu yiri Mr Biden.

Khubaraduna waxay sheegeen hubkan guriyaha lagu sameeyo in faldambiyeedyada ugu badan ee Mareykanka ka dhaca loo adeegsada.

Wakaaladda hubka fudud u qaabilsan dowladda dhexe ee Mareykanka waxay sheegtay 40% qoryaha lagu qabtay Los Angeles ay ahaayeen ‘qoryaha cirfiidka’ ee aan lagu salgaari karin.

Waaxda caddaaladda ayaa sida oo kale laga codsaday iney soo diyaariso sharci arrintan gacan ka geysanaya si ay dowladda ugu sahlanaato iney tallaabba sharciga waafaqsan u qaaddo. Sharcigaasi oo noqonaya mid maxkamadaha iyo hay’adaha sharci fulintaba u oggolaada shaqsiyaadka looga shakiya iney amniga bulshada ay halis ku yihiin iney hub ka baaraan ama ay kala wareegaan.

Sidee looga falceliyey?

 

Soo jeedinta madaxweyne Biden uu ku doonayo inuu tallaabba ka qaado xakameynta hubka waxaa si weyn u soo dhaweeyey kooxaha u ololeeya xakameynta hubka iyo ammaanka bulshada.

“Tallaabbadan aadka u qiimaha badan uu doonayo inuu qaado oo ka soo baxay madaxwyene Biden si uu u wajaho hubka khatarta badan ku haya Mareyknka, Biden waxay ka dhigeysaa madaxweynihi ugu horreeyey oo taariikhda Mareykanka oo mowqifki ugu adkaa ka qaato amniga hubka,” ayuu yiri madaxa kooxdaasi John Feinblatt.

Wuxuuna intaasi ku daray go’aanka uu maamulka Biden uu ka qaatay xakameynta ‘hubka cirfiidka’ ay shaki la’aan badbaadineyso nafaf tira badan.

Ururka ugu weyn ee u ololeeya xuquuqda haysashada hubka ee dalka Mareykanka ee NRA tallaabbada uu ku dhawaqay Biden waxay ku tilmaantay ‘mid xadka dhaafsiisan’ iyaga oo sheegay iney diyaar u yihiin iney la dagaallamaan.

Barasaabka gobolka Texas Greg Abbort amarka Biden uu bixiyey wuxuu ku tilmaamay ‘awood loo adeegsanayo sidi nalooga qaadi lahaa hubka aan haysanno’, isaga oo ballanqaaday inuu oggolaan doonin gobolkiisa amarkaasi inuu ka hirgalo.

Balse khamiisti shalay ahayd wuxuu bartiisa Tweetar-ka uu ku soo qoray inuu ka shaqeynayo sidi loo ilaalin lahaa badqaba bulshada sarreynta sharcigana loo meel marin lahaa isaga oo carrabka ku dhuftay weerarki ka dhacay Bryan, isaga oo ballanqaaday tallaabba kasta oo sharciga lagula tiigsanaya shaqsi kasta oo weerarrada noocaasi ah looga shakisan yahay isaga oo tacsi 

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post