708 Views

UNICEF oo agab fayadhowrka ka qeybisay dalka Libya

UNICEF oo agab fayadhowrka ka qeybisay dalka Libya
____________________________________________________________________________


khamiis: January 6, 2022

Sanduuqa Carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee loo soo gaabiyo UNICEF ayaa warbixin uu soo saaray Khamiista maanta ah ku sheegay in uu qeybiyay agab Caafimaad oo loogu talagalay in la siiyo Carruurta wax ka barta iskuulada ku yaalla dalka Libya.

Agabka UNICEF ay qeybisay ayaa waxaa ku jira kuwa loogu talagalay in lagula tacaalo xanuunka safmarka ah ee COVID -19 oo dunidda saameeyay.

“UNICEF waxa ay bishan billowday in ay qeybiso markii labaad qalab loogu talagalay ardayda ku laabanaya waxbarashada dugsiyada, waana qalab wax badan u tari doona ardayda wax ka barta iskuulada,” UNICEF ayaa sidaas ku tiri qoraal ay soo saartay.

Qorshahan ayaa waxaa ka faa’ideysanaya 39,000 oo arday iyo macalimiin wax ka dhiga in ka badan 60 Iskuul oo ku yaalla gobolka Galbeedka oo ay ku jiraan magaalooyinka Zultun, Regdalin, Ajaylaat iyo Al-jamil, ayaa lagu yiri warka qoraalka ee UNICEF.

Liibiya ayaa ilaa hadda waxaa laga soo weriyay kiisas ka badan 391,633 oo COVID-19 ah, iyo 5,752 dhimasho ah, sida ay sheegtay Xarunta Qaranka ee Xakamaynta Cudurrada Liibiya.

Xaruntu waxay sidoo kale xaqiijisay in dad ka badan hal milyan oo qof ay heleen qiyaaskoodii ugu horreeyay ee tallaalka COVID-19 halka dad ka badan 8kun ay heleen laba tallaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post