1053 Views

WARARKA Kalfadhigga Baarlamaanka oo maanta dib u furmaya

WARARKA Kalfadhigga Baarlamaanka oo maanta dib u furmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta dib u bilaabaan kulamadoodii kadib markii ay fasax ka soo laabteen.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa waxaa ku yimid hakad ka dib Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

 

 

 

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 1-aad wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa hareeyay kooram la’aan kadib markii xildhibaanada baarlamaanka oo ubadan golaha wasiirada ay soo xaadiri waayeen shirarka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa hore ugu digey xildhibaanada baarlamaanka ka baaqsashada kulamada golaha shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment