519 Views

Waardiyihii hore ee kaamka dowaladii Nazi-ga oo magaciisa lagu sheegay Josef S oo lagu xukumay shan sano.

Waardiyihii hore ee kaamka dowaladii Nazi-ga oo magaciisa lagu sheegay Josef S oo  lagu xukumay shan sano.
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Waardiyihii hore ee kaamka dowaladii Nazi-ga oo magaciisa lagu sheegay Josef S ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah ka dib markii uu gacan ka geystay dilka kumanaan maxaabiis ah oo lagu dilay magaalada Sachsenhausen oo u dhow Berlin.

Ninkan oo ah dembiilihii ugu da’da weynaa abid ee katirsanaa xukumada Nazi-ga ee abid maxkamad Jarmal ah la soo taago, ayaa wuxuu had iyo jeer horay u dafiray inuu xerada “SS” waardiye ka ahaa.

Waxaa lagu helay danbi ah inuu gacan ka geystay dilka 3,518 qof.

Qareenkiisa ayaa ku baaqay in la sii daayo, waxaana lagu wadaa in ay racfaan ka qaataan xukunkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post