738 Views

Degmada Baraawe ay noqon doonto goobta ugu horreeysa ee lagu qabto doorashada Golaha Shacabka

Degmada Baraawe  ay noqon doonto  goobta ugu horreeysa ee lagu qabto doorashada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________


isniin: October 4, 2021

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay xilligaan u diyaar garoobeeyso in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Aqalka Hoose.

Shalay waxaa degmadaasi booqday Ra’iisul Wasaaraaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayeen Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in qorshuhu yahay in Magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed ay noqoto goobta ugu horreeysa ee lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in ujeedka socodkooda uu ahaa inay qiimeeyaan xaaladaha ay ka dhaceyso doorashada & amnigooda, sidoo kalena ay kala kulmeen wax ka duwan wixii ay ka filayeen.

Sidoo kale  Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay inay kormeereen Goobaha ay ka dhacayaan doorashada goobaha ay degayaan Xubnaha wax dooranayaan, isla markaana amnigooda ku qanceen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post