1077 Views

Booliska kenya oo baaraya dad calanka Soomaaliya ka taagay xeebta Mombasa

Booliska kenya oo baaraya  dad calanka Soomaaliya ka taagay  xeebta Mombasa
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Booliska Magaalada Mombasa ayaa bilaabay baaritaanka lix qof oo ay sheegeen in ay calanka Soomaaliya ka taageen xeebta Mombasa ayna dabaal deg ka sameenayeen, Booliska ayaa tilmaamay inay baarayaan suurtagalnimada in arintaasi ay argagaxiso xiriir la leedahay.

Dadkan la xiray ayay booliska magacyadooda ku sheegeen Ridhman Issack, Jamal Abdi, Mohammed Bare, Abdimalik Noor, Abdiraffi Sheikh iyo Saad Ibrahim Salat.
Booliska ma aysan cadeynin Jinsiyadaha dadkan.

“Tuhmanayaasha ayaa taagay calanka Soomaaliya waxayna qaadayeen heeso farxadeed oo Soomaali ah,” ayuu yiri saddex alifle Gideon Wambua markii kooxdan la horkeenay maxkamadda ku taala Mombasa.

Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in ay baarayaan dambiga lixdaasi qof haduu noqon karo mid argagaxiso la xiriira.

Baarayaasha ayaa doonaya inay soo ogaadaan sababta ay kooxdu calan shisheeye uga taageen dalka Kenya iyo sababta ay lixda qof u doorteen inay dabaaldaggooda u aadaan xeebta dadweynaha dhamaadka usbuuca.


Waxaa la xaqiijin doonaan Kooxdan lixda qof ka kooban, meelaha laga diiwaangeliyay sidoo kale booliska oo sheegay in lixda qof afar kamid ah kaliya ay wateen ducuments sax ah.
Dadkan ayaa la tilmaamay mudo 15 maalmood ah in xabsiga lagu sii hayn doono ilaa baaritaankooda kasoo dhamaado.

Arintan qabashada dadkan ayaa kusoo aadaysa xili weli guud ahaan dalka oo dhan iyo dibadiisa laga dareemaayo maalmaha xoriyada ee 26June iyo 1da Luuliyo kuwaas oo ah maalmo ku weyn shacabka Soomaaliyeed iyadoo munaasabada 1da luuliyo ay caawa ku beegan tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post