1854 Views

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka kenya

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka kenya
____________________________________________________________________________

Nairobi | QOL | November 27, 2108 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay  kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xiligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Nairobi, Kenya

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment