1062 Views

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay kulamadii ka socday Dhuusamareeb

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay kulamadii ka socday Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa kulamo xasaasi ah ay Magalada Dhuusamreeb ee xarunta Maamulka Galmudug uga socdeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo mas’uuliyiinta ugu sareeysa hogganka Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug,waxana lagu soo waramayaa in kulamadaas la soo geba-gabeeyay.

 

Kulmada ayaa ka dambeysay,kadib markii Xubnaha Ahlusunna ay diideen in Ciidamo ka socda Dowladda la geeyay Magaalooyinka Dhuusamareeb & Guriceel, iyada oo diyaarad Ciidamo ka qaaday Muqdisho laga soo celiyay garoonka Diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb.

 

 

 

Wararka kulamadaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay wada gaareen heshiis is afgarad ah,isla markaana ay qeyb ka tahay  in howlihii ka socday magaalada Dhuusamareeb ay sidoodii usii socdaan, sidoo kalana aan deegaanada Galmudug laga geyn  Ciidamo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Muddo hadda laga joogo bil iyo dhowr Cisho ayaa dowladda Federaalka ioyo hoggaankii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug ay wada gaareen heshiis hoosaad oo aan weli Saxaafada loo soo bandhigin, iyada oo Ciidamadii Ahlusunna lagu biiriyay kuwa Dowladda Soomaaliya,hayeeshee weli ay u muuqato inay ka amar qaatan hoggaanka Ahlusunna.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment