1044 Views

Somaliya oo ka hortimid go’aanka Kenya ay ku ilaalineyso Xeebaha Soomaaliya

Somaliya oo ka hortimid go’aanka Kenya ay ku ilaalineyso Xeebaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay go’aanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay ku doorteen Kenya si ay u hoggaamiso la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan u hoggaansameyn go’aan kooxda xiriirka Soomaaliya ay Kenya ugu doorteen in ay noqoto guddoomiyaha labada sano ee soo socota ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in hadda aysan jirin Burcad Badeed lala dagaallamo labada dal ee Kenya iyo Soomaaliyana ay u dhaxeyso xurguf dhinaca Badda ah.

Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Ururka Xiriirka Soomaaliya ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya ay dhamaatay howshiisa isaga oo guuleystay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in wax xiriir ah aysan la lahayn go’aanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay ku doorteen Kenya iyo damaca Kenya ee la xiriira biyaha Soomaaliy.

Wasiirku waxaa uu beeniyay in Ciidamo Kenyaan ah ay ilaalinayaan Biyaha Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Ururka ay yihiin cidda shaqada qabaneysa.

Axmed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka war sugeyso go’aanka Maxkamadda ICJ ee xukunka la xiriira inta ka horreysana aysan tallaabooyin dheeraad ah qaadeyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment