630 Views

Askar ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis oo QARAX lagu Laayay

Askar ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis oo QARAX lagu Laayay
____________________________________________________________________________

 Talaado: AUGUST 16, 2022

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay deegaanka Washaaqo oo ka tirsan gobolka Bakool, isla-markaana ku yaalla xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ee ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamadaasi, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen xadka labada dal, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlad deegaanka ee Liyuu Boolis, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Ciidamada la qarxiyey ayaa lagu soo warramayaa inay dhankooda fureen rasaas xoogan, balse ma cadda ay khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamadu ay howlgallo ka wadaan deegaanka Washaaqo iyo nawaaxigiisa.

Weerarkan qaraxa ah ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post