1026 Views

Booliska Sacuudiga oo xiray muwaadin Soomaali ah

Booliska Sacuudiga oo xiray muwaadin Soomaali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  01- 2019—Warbaahinta Sacuudiga ayaa waxaa ay qoreen in Ciidamada Ammaanka dalkaasi ay Magaalada Jiddah ka qabteen  muwaadin Soomaali ah,kaas oo fal burcadnimo ah ka geystay Gudaha dalkaas.

Ninka Soomaaliga ah oo aan Magaciisa la shaacin ayaa la sheegay in tooreey uu  ku dhacay Nin u dhashay dalka Hindiya,isla markaana uu ka qaatay lacag dhan ah  1200 oo Riyaalka Sacuudiga,isla markaana uu isku dayay in uu baxsado,hayeeshee ay Ciidamadu qabteen.

Qabashada Ninka Soomaaliga ah ayaa ka dambeysay,kadib markii Ciidamada Ammaanka sacuudiga ee Roonadada ka haaya Wadooyinka uu dhibanaha ku wargeliyey in Nin Soomaali ah uu tooreey kaga qaatay lacag farabadan oo uu watay,taas oo keentay in howlgal ay Ciidamadu sameeyeen lagu soo qabto.

Ciidamada Sacuudiga ayaa muwaadinka Soomaaliyeed waxaa ay u gudbiyeen Hay’adda dambi baarista,si loo baaro loogano qoro dukumiintiyo cadeynayo dhaca uu geystay, kaddibna Maxkamad loo soo taago.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment