306 Views

Hal sano ka dib Bankiga ganacsiga ee Itoobiya oo ka shaqo bilaabay Gobolka Tigray

Hal sano ka dib Bankiga ganacsiga ee Itoobiya oo ka shaqo bilaabay Gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Bankiga ganacsiga ee Itoobiya ayaa sheegay in uu dib u bilaabay adeegyadii maaliyadeed ee qaar ka mid ah magaalooyinka Gobolka ay colaaduhu aafeeyeen ee Tigray, taas oo u suurtagelisay dadka deegaanka in ay helaan dhaqaalahooda ka dib markii uu xirmay muddo sanad ka badan.

Arintaan ayaa daba socotay heshiis nabadeed oo ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo fallaagada Tigreega bishii hore, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaadda socotay labadii sano ee la soo dhaafay iyo dhibaatooyinka Bini’aadantinimo ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya.

Bayaan ka soo baxay Bankiga ayaa lagu yiri “Kadib heshiiskii nabadeed ee dhawaan la gaaray, laamaha (CBE) ee aan ku leenahay magaalooyinka Shire, Alamata iyo Korem waxa ay bilaabeen in ay helaan lacagaha laga soo diro dibadda iyo gudaha iyo sidoo kale in la xareeyo lacagaha,”

Gelitaanka Waqooyiga Itoobiya ayaa si aad ah loo xaddiday, isgaarsiinta Gobolka Tigray ayaa hawada ka maqneyd muddo ka badan hal sano, taas oo saxafiyiinta ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in ay si madax bannaan u soo xaqiijiyaan xaaladda dhulka.

Tan iyo heshiiskii nabadeed ee 2-dii Nofembar 2022-ka ee lagu saxiixay Koonfur Afrika, waxaa joogsaday dagaalladii u dhexeeyay Ciidammada Federaalka iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, iyada oo TPLF ay sheegtay in boqolkiiba 65 ciidamadeeda ay “ka baxeen” jiidaha dagaalka.

Horaantii bishaan, shirkadda korontada ee dalka ayaa ku dhawaaqday in Caasimadda Tigray ay dib ugu xirtay korontadii qaranka ka dib in ka badan hal sano oo ay korontada ka maqneed Gobolkaan la dirsaday Colaad kaas oo loo sababeeyay iskahorimaadka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post