2208 Views

Baydhabo Oo Markii Ugu Horeysay Marti Gilineysa Shir Muhiim ah.

Baydhabo Oo Markii Ugu Horeysay Marti Gilineysa Shir Muhiim ah.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 26  2017 –Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa soo sheegaya in maanta uu halkaasi uu ka furmi doono shir muhiim ah oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaasha Baarlamaanada maamul Gobaleedyada Soomaaliya sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Koofur Galbeed.

Shirkaan ayaa waxaa shir gudoomin doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Ku xigeynkiisa Labaad Mahad Cabdalla Cawad waxaana ka qeyb galayaa Guddoomiyaasha Golayaasha Wakiilada maamul Gobaleedyada Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha looga hadli doono shirkaan, balse Mas’uuliyiin aan la hadlanay ayaa sheegay in kulankaan uu yahay mid isbarasho kala xog qaadasho ah Siyaasadna uusan wax lug ah ku laheyn.

Waa shirkii ugu horeeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkaan ayaa waxaa hore ugu soo horjeestay guddoonka Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi waxa uuna ku tilmaamay kulan aan sharci aheyn, Lama oga sida uu wax ka yeeli doono Shirkaan Guddoonka aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka digay qabsoomidiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment