399 Views

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo  shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda maamulkaasi.
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 13, 2022

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta dul istaagay hadal qoraalkii ka soo baxay shirkii hore ee golaha waxaana uu faray Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka in si deg deg ah uu kusoo diyaariyo dukumentari cadeynayo baaxada abaarta jirta ee saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha ayaa warbixinta guud ee amniga ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre waxaana uu faray diyaarinta dugsiga tababarada ciidanka si loo dardargaliyo tababarada ciidamada booliiska iyo daraawiishta Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka adag ee ay hayaan Golaha Xukuumada Hirshabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post