885 Views

Boqolaal arday oo u fariistay Imtixaanka qubuulka ee Jaamacadda Benaadir (Sawirro)

Boqolaal arday oo u fariistay Imtixaanka qubuulka ee Jaamacadda Benaadir (Sawirro)
____________________________________________________________________________

Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho xarumaheeda ayaa waxaa ka bilowday maanta Wejigii koowaad ee imtixaanka ogolaanshaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas sanad dugsiyeedka 2020-2021 kaasoo ay u fariisteen sanadkan arday fara badan oo ka soo baxday dugsiyada sare ee dalka.

Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Benaadir Eng. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in Jaamacadda ay sanadkan ay iska diiwaan geliyeen arday fara badan oo uu xusay iney soo dalbadeen 12-ka kuliyadood ee ay Jaamacadu ka kooban tahay.

“Guud ahaan sanadkan Waxaa Jaamacada iska diiwaan geliyey arday kor u dhaafeysa 2,800  qeybta koowaad ee maanta u fariisatay imtixaanka waa 1,350 arday oo isugu jira 812 Wiil iyo 538 gabdhood, diiwaan gelinta wey socotaa qeyb labaad iyo qeyb 3aad ayaana xigi doona, todobaadyada soo socda” ayuu yiri Eng. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed oo ugu baaqay ardayda aan weli isdiiwaan gelin inay ka faa’iideystaan fursada ay heystaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Xassan Biday ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soona dhoweynayo ardayda faraha badan ee u fariistay Imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir.

“Waxaa farxad inoo ah maanta inaan bilowno Imtixaanka qubuulka ee Jaamacada Banaadir ee sanadka 2020-2021, waxaana u fariisanaya sanadkan arday saddex kun ku dhow, taasoo  muujineysaa, khibrada sumcada, tixgelinta iyo karaamada ay Jaamacaddu ku leedahay bulshada, imtixaankana waa mid qiimeyn ah oo lagu ogaanayo heerka waxbarashada arday walba” ayuu yiri Dr. Biday

Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in dib u habeyn lagu sameeyay manaahijta kulliyadaha Jaamacadda, si ay ula jaan-qaadaan culuunta casriga ah ee Jaamacadaha caalamka, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey guddiyada Jaamacadda ee soo diyaariyey imtixaanka iyo xogheynada kala duwan oo uu sheegay iney ka soo shaqeeyeen sidii imtixaankan uu ugu dhici lahaa si cadaalad ah, wuxuuna ardayda imtixaanka u fariisatay u rajeeyey guul iyo nasiib wanaagsan.

Guddoomiyaha Mu’asasada Banaadir Dr. Maxamed Dheere ayaa isna u mahad celiyey waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda ku aaminay Jaamacada Benaadir, isagoo u balan-qaaday ardayda cusub iney Jaamacada ka heli doonaan aqoon tayo sare leh.

“Waxaad doorateen Jaamacad aqoonsi  caalami ah heysata, waxaana kula dardaarmaynaa ardayda cusub iney dedaal badan muujiyaan kana mira dhaliyaan safarka waxbarasho ee u bilowday” ayuu yiri Guddoomiyaha Mu’asasada Banaadir Dr. Maxamed Dheere.

Masuuliyiinta sare ee Jaamacada Banaadir iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada ayaa kormeerayey imtixaanka kuwaasoo ku soo wareegay fasalada lagu qaadayey iyagoo u kuur galay qaabka uu u socday, waxayna ardayda tilmaamo iyo tusaalooyin ka siinayeen qaabka imtixaanka loo galayo iyo anshaxa looga baahan yahay.

Jaamacada Banaadir ayaa Sanad walba xiligan oo kale waxaa ku soo biira arday fara badan oo soo dhameysatay waxbarashada dugsiyada sare ee dalka, waxaana taa bedelkeed ka qelin jebiya boqolaal kale oo muddo sanado ah wax ka baranayey 12-ka kuliyadood ee ay Jaamacaddu ka kooban tahay iyo qeybaha kale ee waxbarashada heerka labaad ee Masterka oo leh taqasusyo kala duwan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post