1263 Views

Maamul Cusub oo loo doortay Saddex kamid ah degmooyinka Somaliland

Maamul Cusub oo loo doortay Saddex kamid ah degmooyinka Somaliland
____________________________________________________________________________

Golayaasha degaanka ee degmooyinka, Hargeysa, Baligubadle iyo gabileey ayaa waxaa ay Maanta doorteen Guddoomiyeyaasha degmooyinkaas iyo kuxigeenadooda.
Golaha degaanka Magalada Hargeysa ayaa duqa degmada u doortay  Cabdikariim Axmed Mooge halka ku-xigeenkiisana loo doortay Khadar Axmed Nuur, Duqa degmada Baligubadle aya loo doortay Shiine Cabdi Hayaan, halka duqa degmada Gabileey loo doortay Maxamed Aamin.

Dhamaan mas’uuliyiinta Maanta loo doortay saddex kamid ah degmoyika Soomaaliland ayaa waxaa ay xilalkaas heyn doonan Shanta Sano ee soo socota, hadii aan mooshin xilka looga qaadin.

Duqa Cusub ee degmada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in doorashadan ay aheyd mid tariikhi ah oo dadka Reer Hargeysa mideysan, isaga oo golaha degaanka Hargeysa ku amaanay inay waqti geliyeen in si mideysan ay doorashada uga dhacdo Magaalada Hargeysa.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaaliyinka kale e degaannada Soomaliland inay ka dhacayaan doorashooinka Golayaasha degaanka, iyada oo ay xusid mudan tahay in duqa degmada Hargeysa ee Maanta la doortay ay ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaridka Somaliland, waxaana mas’uuliyiintii hore ay ka tirsanaayeen xisbiga talada haya ee Kulmiye.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post