822 Views

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Maareeynta iyo Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo Goordhaw Gaaray baladweyne

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Maareeynta iyo Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo  Goordhaw Gaaray baladweyne
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Maareeynta iyo Musiibooyinka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Cabdimahad Qoorgaab oo Wehliyo Agaasimaha Guud Wasaarada Gargaarka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Goordhaw Soo Gaaray Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada baladweyne ee ugaas Khalif kusoo dhaweysay iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka Maareeynta iyo Musiibooyinka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle ee Gobolka Hiiraan Xaawo Axmed Maxamed rijaal, iyo Masuliyiin kale,

Masuuliyiinta ayaa Gobolka Hiiraan Soo Gaarsiiyay Gargaar Dowladda federaalku ugu talagashay  Xaalada Abaaraha ee Gobolka  Hiiraan kajiro.

Gobolka hiiraan ayaa waxaa ka jiro abaaro baahsan kuwaa oo saameeyay dadka iyo  duunyada, waxaana gargaarka maanta beledweyne la gaarsiiyay imaanayaa xili gudoomiyaha golaha hiraan cali Jayte Cismaan oo ku eedeyay Dowladda in ay indha ka detatay abaaraha kajiro qeeybo kamid ah Hiiraan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post