1068 Views

Ra’iisul Wasaaraha somaliya oo hoygiisa kulan kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaaraha somaliya oo  hoygiisa kulan kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh
____________________________________________________________________________


isniin: August 9, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaasi uu ahaa is xog wareysi ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka oo qeybo kamid ah dalka ka qabsoomay.

Kulanka Rooble uu la yeeshay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo gaar gaar ah oo uu Ra’iisul wasaaraha la yeelanayo Musharaxiinta Mucaaridka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Rooble ayaa mas’uuliyiintaas kala hadlaya arrimaha doorashooyinka, asaga oo uga warbixin doona hanaanka doorashada, taasi oo dhabaha u xaareysa in doorashooyinka ku qabsoomaan jawi xasiloon.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay xafiiskiisa kula kulmay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo looga hadlay arrimaha taagan iyo xaaladda guud ee dalka, waxaana lagu soo hadal qaaday dhiiro-gelinta dedaallada socda iyo tallaabada uu qaaday Rooble ee ka dhanka ah wareegtadii Farmaajo.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post