1026 Views

Dhegeysiga Dacwadda Loo Haysto Ibraahim Bursaliid Iyo Rag Kale Oo Dib Loo Dhigay

Dhegeysiga Dacwadda Loo Haysto Ibraahim Bursaliid Iyo Rag Kale Oo Dib Loo Dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –Maxkamadda Milimani Law Courts ee magaalladda Nairobi waxaa shalay la soo taagay Falaanqeeye lagu magacaabo Ibraahim Qaasim Faarax “Bur saliid” iyo 3 nin oo haysta dhalashada dalka Kenya, kuwaasi oo la soo xiray habeenkii Khamiista ee Isbuucii hore.

Ibraahim Bur Saliid ayaa la hadal-hayaa inuu yahay Murashax Doorashadda Madaxweynenimadda Somalia ee soo socota, waxaana isaga iyo saddexda kale la sheegay in loo cuskaday waxa lagu yeero Argagixisenimo.

Waxaa la sheegay inay Ciiddanka La-dagaalanka Argagixisadda (ATPU) ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda South C ee magaalladda Nairobi, kadib, markii dad aan la shaacinin u soo far muuqeen Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi.

braahim Qaasim Faarax “Bur saliid” oo isagu inta badan ah Falaanqeeye Siyaasadeed ayaa waxay Ciiddanka Kenya ku eedeeyeen inuu haystay Baasaboorka dalka Jabuuti, foomamka Guddiga Doorashadda. 4 Telefoonadda gacanta, Shahaaado iyo 2  nuqulo midebaysan oo ah Waraaqaha Aqoonsiga Kenya (Kenyan  ID CARDS).

 

Eedeysanayaasha kale ee Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xasan Maxamuud waxaa  la sheegay in Arbacadii hore laga soo qabtay Deegaanka Muguga ee Degmadda Kiyambu ee bartamaha dalka Kenya.

 

Shalay ayey ka soo hor muuqdeen Maxkamadda Milimani Law Courts, iyadoo Garsooraha Guud ee Maxkamadda, Peter Okoo u fasxay Ciiddanka La-dagaalanka Argagixisadda (ATPU)  inay afarta Eedeysane  sii hayaan muddo 4 maalmood oo dheeri ah, si loo soo dhamasytiro baaritaanka ku socday.

 

Garsooraha Guud ee Maxkamadda Milimani Law Courts waxa uu dhegeysiga Dacwadaasi dib u dhigay ilaa  maalinta Arbacadda ee soo socota oo ku beegan bishan June 12-da, iyadoo ay Baarayaasha Dembiyadda shaaciyeen in Eedeysanayaasha wada shaqeyn la lahaaayeen shaqsiyaad  aan weli la soo qabanin iyo inuu ka dhexeeyoey macaamil aan la ogeyn, waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment