723 Views

Hirshabeelle oo shaacisay laba kursi & xiliga la qabanayo doorashadooda

Hirshabeelle oo shaacisay laba kursi & xiliga la qabanayo doorashadooda
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 13, 2022

 Guddiga maamulka doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyay laba kursi, Guddiga soo Xuliya ee Ergada ah, xiliga la diiwaangelinayo musharixiinta kutartameysa kuraastaas iyo marka la qaban doono doorashadooda.

Kuraasta uu Guddiga SEIT ee Hirshabeelle shaaciyay ayaa kala ah, ✅HOP#106 iyo ✅HOP#024, kuwaas oo la diiwaangelin doono 13/04/2022, halka doorashadoodana la qaban doono 14/04/2022, sida ku xusan jadwalka ay soo saareen Guddiga.

Guddiga Maamulka Hirshabeelle ayaa hore u soo saaray liiska kuraasta doorashadaan, balse ma aysan shaacin Guddiga soo xulaya, marka la diiwaangelinayo iyo qabashada doorashadooda, balse waxaa jirtay muran iyo khilaaf ka taagnaa sida loo maarinayo doorashadooda, inkastoo aan la ogeyn in xal laga gaaray iyo inkale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post