567 Views

Itoobiya oo Somaliya uga yeertay ilaa 3,000 oo askari si ay uga Qeyb qaataan Weerarka lagu Hayo Maleeshiyaadka Tigreega

Itoobiya oo Somaliya  uga yeertay  ilaa 3,000 oo askari si ay uga Qeyb qaataan Weerarka lagu Hayo Maleeshiyaadka Tigreega
____________________________________________________________________________

Itoobiya ayaa dib u celinaysa kumanaan askari oo ka caawinayay dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Ururka Al-Shabaab Sidda ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo wax kala socday dib u celinta Ciidanka.

Ka bixitaankooda Soomaaliya wuxuu ku soo beegmay iyadoo askarta federaalka ay weli la dagaallamayaan xoogag daacada u ah xisbiga talada haya ee woqooyiga Itoobiya ee gobolka Tigray.

Itoobiya ayaa u yeertay  ilaa 3,000 oo askari si ay uga caawiso weerarka Tigreega, waxaana Ciidankaasi lagu amray in aysan muujin ka bixitaankooda Soomaaliya oo uu ahaado mid ciidan.

Ciidamada la bixinayo waa askarta Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ee hoos yimaada taliska 5,000 oo ka socda dowladda Itoobiya oo ka tirsan howlgalka  nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidanka Itoobiya ayaa inta badan waxa ay ka howlgallaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaa sidoo kale jira Ciidmao ka tirsan AMISOM oo ka socda Itoobiya oo fadhigoodu yahay Jubbaland iyo Hirshabeelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post