744 Views

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

____________________________________________________________________________

Sabti: April 30, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee Villa Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xilka kala wareegay Guddoonkii hore, waxana Gudoomiyaha Cusub uu sheegay in afarta bisha, Ciidda kadib uu Goluhu isku soo laaban doono si looga arinsado doorashadda madaxweynaha iyo misaaniyadda sannadka.

OFFice Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post