2148 Views

Ilmo sanduuq ku jira oo laga soo badbaadiyey wabi ku yaalla Dalka Hindiya

Ilmo sanduuq ku jira oo laga soo badbaadiyey wabi ku yaalla Dalka Hindiya
____________________________________________________________________________

Isniin, 21 June

Kabtanka doon oo ka hawl gala gobolka waqooyi Hindiya ee Uttar Pradesh, ayaa lagu marxabeeyey hambalyo diiran oo kashka iyo laabta kasoo godey, ka gadaal markii uu badbaadiyey ilmo yar oo gabadh ah, taasoo uu ka dhex heley sanduuq dul sabaynaya wabiga Ganges.

Kabtan Gullu Chaudhary, ayaa sheegay inuu maqlay oohinta cunugan dhalan 21 maalmood oo ku dhex jira sanduuq, isagoo lagu duubay maro guduudan, waxaa sanduuqa ilmahan yar ku wehliyey sawiro.

Ilmahan yar ayaa loola cararey isbitaalka, caafimaadkiisa si gaar ah baa loolla socdaa haatan. Waxaa loo gudbin doonaa xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta agoonta.

Saraakiisha ayaa baaraya sida ilmahan yar wabiga loo soo daad raac siiyey. Laakiin ma aaney isweeydiin sababta ilmahan yar loo soo tuurey.

Hindiya ayaa ah dalka uggu xun dunida oo ay soo wajihi karto dumarka faquuq, taasoo mararka qaarkood ay dhici karto in nafta la dhaafiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post