1806 Views

Paul Kagame “ Qirashada Faransiiska ee Xasuuqa Rwanda waa ‘tallaabo horay loo qaaday

Paul Kagame  “ Qirashada Faransiiska ee Xasuuqa Rwanda  waa ‘tallaabo horay loo qaaday
____________________________________________________________________________

May 29 2021

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in qirashadii dhowaan uu Faransiisku ku qirtay doowrkii uu ku lahaa xasuuqii 1994-kii ka dhacay dalkiisa ay tahay “tallaabo weyn” xittaa haddii aysan Faransiisku la imaan raali-gelin.

Dhiggiisa Emmanuel Macron, ayaa intii uu ku guda jiray booqasho taariikhi ah oo uu toddobaadkan ku tagay waddankan ku yaalla bariga Africa, waxa uu qiray kaalintii Faransiiska ee dilkii 800,000 oo qof oo u badnaa qowmiyadda Tutsi, wuxuuna sheegay in kuwa ka badbaaday oo kali ah ay cafis bixin karaan.

Waxa uu ku sigtay in uu raalli-gelin bixiyo, isagoo hoosta ka xarriiqay in Faransiisku “uusan lug ku laheyn” rabshadaha tooska ah. Macron ayaa qaaday tallaabo ka dheer kuwii madaxweynayaashii isaga ka horreeyay isagoo qiray in Paris ay taageertay nidaamkii xasuuqa gaystay ayna iska indhatirtay digniinaha ku saabsanaa xasuuqa.

Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday xasuuqa oo rajeynayay raalli-gelin rasmi ah ayaa niyad jabay.

Kagame, oo hogaamiyay kacdoonka Tutsi-ga ee soo afjaray xasuuqa, ayaa si joogto ah waxa uu ugu eedeeyn jiray Faransiiska in uu ku lug lahayd dambiyadaasi.

Waxa uu ku ammaanay Macron “in uu runta ka hadlay” isagoo sheegay in ereyadiisu “ay ka qiimo badnaayeen raali-gelin”.

Booqashada Macron, oo ahayd tii ugu horreysay ee hoggaamiye Faransiis ah tan iyo 2010-kii, ayaa waxa uu isku dayay in uu bog cusub u furo cadaawad muddo rubuc qarni ah u dhexeysay Faransiiska iyo Rwanda taasi oo ku saabsaneyd weydiimaha aan wali la xallin ee xasuuqa.

Faransiiska ayaa Kigali siiyay taageero siyaasadeed iyo mid milatari intii uu socday dagaalkii sokeeye ee ka horreeyay xasuuqa, waxaana muddo fog lagu eedeeynayay in uu indhaha ka qarsaday halista xagjiriinta Hutu-ga.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post