591 Views

Punland oo sheegtay in Golaha wada-tashiga qaran uu u yeeri karo Ra’iisul wasaare Rooble

Punland oo sheegtay in Golaha wada-tashiga qaran uu u yeeri karo Ra’iisul wasaare Rooble
____________________________________________________________________________

Sabti: September 18, 2021

 Xili Muqdisho lagu wado in uu ka dhaco shir lagu sheegay golaha wada-tashiga qaran, ayaa waxaa arintaas gaashaanka u daruurtay maamulka Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sharci daro ku tilmaamay kulankaas, waxa uuna baaq u diray Villa Soomaaliya.

Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in shirka ka  furmi doono maalinta Talaadada Garoowe  uu yahay mid ay madaxda maamul goboleedyada uga hadlaan iskaashiga dhexdooda, wuxuuna meesha ka saaray in diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka bilowday ee dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka doorashooyinka ee golaha wada-tashiga qaran uu kaliya u yeeri karo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

 “Ra’iisul wasaaraha ayaa u wici kara qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, Kan dawlad Goboleedyadu waa ka duwan yahay waana Dastuuri” ayuu yiri Dhabancad.

Sidoo kale hadalka Puntland ayaa ku sooa aadaya Xili maanta la sheegay in loo yeeray Gudiga amniga qaranka,. Loogana hadala Kiiskii Ikraan Tahliil, taasi oo sharci daro ay ku tilmaamay kulankaas maamulka Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post