831 Views

Jaamacadda Benaadir oo daahfurtay Kuliyadda cusub ee Culuunta Siyaasadda & xiriirka caalamiga ah   

____________________________________________________________________________

Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa daahfurtay Kuliyadda cusub ee Culuunta Siyaasada iyo Xiriirka caalamiga ah (Faculty of Political Science & International Relations) taasoo noqoneysa Kuliyadii 12-aad ee Jaamacadu yeelato mudadii ay jirtay. 

Munaasabad lagu daah furayey Kuliyadan cusub oo lagu qabtay Kambaska Prof. Ibrahim Caddow ee Jaamacada Benaadir ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia, Maamulka iyo Mu’asasiinta Jaamacadda Benaadir, aqoonyahano, xubno ka socday bulshada rayidka ah, qaar ka mid ah  hormuudyada, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda iyo marti sharaf kala duwan. 

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. Maxamed Max’uud Biday oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay bulshada Soomaaliyeed inuu la wadaago daahfurka Kuliyadda cusub ee Culuunta Siyaasada iyo Xiriirka caalamiga ah oo uu xusay in lagu soo kordhiyey Kuliyadaha Jaamacaddu ka kooban tahay. 

“Dedaal iyo juhdi fara badan oo muddo badan soo socday socday ka dib ILAAHAY mahadiis waxaan ku guuleysanay maanta inaan aasaaska u dhigno Kuliyadda cusub ee Culuunta Siyaasada iyo Xiriirka caalamiga ah ee aan maanta furitaankeeda munaasabadan u fadhino” ayuu yiri Guddoomiyaha. 

Dr. Biday ayaa ka waramay baahida ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u qabaan Kuliyaddan iyo muhimada ay leedahay, isagoo ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed iney ka faa’iideystaan, wuxuuna balan-qaaday iney waxbarasho tayo sare leh iyo shahaado caalamka laga aqoonsan yahayba ka heli doonaan Jaamacada sidii horeyba looga bartay. 

“Dad meel wada dega iyo dalalka waxaa isku haya Siyaasad iyo xiriir caalami ah, Jaamacadu markii ay aragtay burburka dhan walba leh ee laga dhaxlay Siyaasada xumada, waxay go’aansatay iney soo kordhiso Kuliyaddan si wax badan looga bedelo aqoon darada bulshadeena ka heysata Siyaasada iyo xiriirka caalamiga ah, Waxyaabaha Kuliyadan laga baran doono waxaa ka mid ah Siyaasada arrimaha dibeda, xalinta khilaafaadka, Shuruucda caalamiga ah (International Law), taariikhda iyo Joqraafiga Soomaalida, istaraatiijiyada difaaca, Qaxtootiga iyo magangelyo doonka, Socdaalka, diblomaasiyada iwm” ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacadda Benaadir. 

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo isna halkaas ka hadlay ayaa talaabo taariikhi ah ku tilmaamay in Jaamacada Benaadir ay markii ugu horeysay dalka ka hirgeliso Kuliyadda cusub ee Culuunta Siyaasada iyo Xiriirka caalamiga ah, isagoo maamulka sare ee Jaamacada uga mahad celiyey dedaalka ay u galeen taaba gelinta Kuliyaddan. 

“Jaamacadda Benaadir waxay u taagan tahay iney had iyo jeer daboosho baahida ay qabaan bulshada Soomaaliyeed, soona saarto aqoonyahano dabooli kara hadba meelaha umaddu uga baahan tahay in laga horumariyo Kuliyaddam cusubna waa mid muhiimad gaar ah leh” ayuu yiri Prof. Dufle oo wax badan ka hadlay taariikhda Jaamacada iyo heerarkii ay soo martay. 

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha dastuurka ee Xukuumada Somalia Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo gebagebadii munaasabadaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka furitaanka Kuliyadda cusub ee Culuunta Siyaasada iyo Xiriirka caalamiga ah ee Jaamacada Benaadir, isagoo maamulka Jaamacada ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan horumarinta tacliinta sare ee dalka.  

“Kuliyaddan waxay ummada Soomaaliyeed u leedahay ahmiyad weyn, maadaama aan ku jirno xili aan dib uga soo kabaneyno burburkii iyo dhibaatadii ka dhacday dalka, waxayna saameyn ku leedahay nolosha bulshada oo dhan, maadaama ay siyaasadu saldhig u tahay horumar walba oo ay ummadi ku talaabsato, Sida Dhaqaalaha, Tacliinta, Maamulka, Caafimaadka iyo guud ahaan nidaamka dowliga ah” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka oo ku dheeraaday culuunta siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah iyo weliba baahida maanta Soomaalidu u qabto oo uu sheegay iney tahay mid weyn oo banaan, loona baahan yahay in la helo kaadiriintii buuxin lahaa.   

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi farxadadeed ayaa waxaa sidoo kale hadalo iskugu jiray soo dhoweyn iyo Bogaadin ka jeediyey xubno ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Musasada Banaadir Dr. Maxamed Dheere, Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Benaadir Dr. C/raxmaan Xassan Cumar, Wasiirkii hore ee Beeraha Somalia Cabdi Axmed Baafo, Hormuudka Kuliyadda cusub ee Culuunta Siyaasada & Xiriirka caalamiga ah, Haaruun Cabdi Kulmiye, Prof. Xasan Shiikh Nuur oo ah Barre ka tirsan Jaamacadda Ummadda, Prof. Axmed Muumin Warfaa oo isna Barre ka ah Jaamacadda Minesota ee dalka Maraykanka, C/llaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed, Dr. Caasho Kablow oo Barre ka ah Jaamacadda Benaadir iyo xubno kale.  

Jaamacada Benaadir oo la aasaasay sanadkii 2002 ayaa sanadba sanadka dambeeya ku talaabsaneysaa horumaro kala gedisan oo la xiriira dhinaca Waxbarashada iyo tacliinta sare, waxayna Kuliyaddan cusub noqoneysaa Kuliyadii 12aad ee Jaamacadan lagu soo kordhiyey. 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post