987 Views

Kooxda K/cagta Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska

Kooxda K/cagta Manchester City oo  ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Kooxda K/cagta Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska, kaddib markii deriskeeda Manchester United oo kula loollameysay horyaalka ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay ciyaartii kooxda Leicester City.

Guuldarrada Manchester United soo gaartay ayaa ka dhigan guusha horyaalka ee City oo ka horreysa 10 dhibcood oo nadiif ah, iydoo leh 80 dhicood, waxaana horyaalka xilli ciyaareedka 2020-2021 ka harsan saddex kulan oo qura.

Inkasta oo kooxda Chelsea ay todobaadkan uga badisay garoonkeeda Etihad, haddana Manchester City ayaa sanadkan si qurxoon ugu guuleysatay horyaalka dalkeeda.

“Waxaan mar kasta ku xasuusan doonnaa xilli ciyaareedkan qaabkii aan ku qaadnay horyaalka” ayuu yiri Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola oo ku faraxsanaa inay horyaalka qaaadan iyagoon xitaa garoonka imaan.

Waa markii saddexaad ee Guardiola uu Manchester City u qaado horyaalka Ingiriiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post