1080 Views

Kulanka Wiilka Osama Bin Laden iyo Taalibaan

Kulanka Wiilka Osama Bin Laden iyo Taalibaan
____________________________________________________________________________

Talaado February 22, 2022

Warbixintii ugu dambeysay ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda Daacish ,Al-Qaacida iyo xulafadooda, oo si rasmi ah loo shaaciyay todobaadkan, ayaa lagu sheegay in wiilka Osama bin Laden, Abdallah, uu booqday Afghanistan bishii Oktoobar “kulamana uu la yeeshay kooxda Taliban”.

Warbixintu ayaa sheegeysa in kooxda Al-Qaacida ay iminka kasoo kabsaneyso guuldarrooyin isdaba joog ah oo hoggaamineed iyagoo intooda badan la dilay, waxayna la’dahay awoodda ay weeraro waawyn dibadda uga fuliso, taas oo weli ah yoolkeeda fog.

Kooxda dabagalka cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa sanadkii laba mar diyaariyo warbixinnadan taasoo qayb ka ah dadaallada lagu dhaqangelinayo cunaqabataynta lagu soo rogay Daacish iyo al-Qaacida.

Waxa ay sheegtay in al-Qaacidada ka howlgasha dalka Hindiya oo uu hoggaamiyo Osama Mehmood iyo ku xigeenkiisa Atif Yahya Ghouri, ay weli ku sugan yihiin dalka Afgaanistaan gaar ahaan magaalooyinka Ghazni, Helmand, Kandahar, Nimruz, Paktika iyo Zabul halkaas oo ay kooxdu ka barbar dagaalameen xogaga Taliban dagaalkii ay kula jireen dowlada Meesha kabaxday ee uu hogaaminayay Ashraf Ghaani.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Taliban aysan qaadin wax talaabo ah oo lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ee kajira dalkaasi Afghanistaan.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post