1551 Views

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay
____________________________________________________________________________



khamiis: November 25, 2021

 Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, iyadoo kulanku goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos .

Mudane Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

“Aniga oo ku kalsoon hawl-karnimada iyo tayada hawl-wadeennada Wasaaradda iyo dhamman dublumaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaan ku rajo weynahay in shaqada muhiimka ah ee Wasaaraddani ay Qaranka u hayso aan sii labo jibbaarno, kana sii ambaqaadno halka ay maanta joogto.”

Dhankiisa, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isaga oo Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadidda waajibaadyada qaran ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa bogaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.

Munaasabaddan waxaa kaqayb galay masuuliyiin ka socdey Goleyaasha Dowladda ee Xukuumaadda iyo Baarlamaanka, iyo Howl wadeennada iyo Diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post