1599 Views

Xildhibaannada Galmudug oo ansixinaya Wasiirradii uu magacaabay Xaaf

Xildhibaannada Galmudug oo ansixinaya Wasiirradii uu magacaabay Xaaf
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 13, 2018 —Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleed Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulamo gaar gaar ay u socdaan xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka.

Xildhibaano ay Mustaqbal la hadashay ayaa u xaqiijiyey in maanta kulamo ay yeelanayaan xildhibaanada iyo masuuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb sida Madaxweynaha maamulkaas Axmad Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukumada Sheekh Maxamed Shaakir,kulamadaan ayaa gogol xaar u ah sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Galmudug kulan lagu wado barri in lagu ansixiyo golaha wasiirada maamulkaasi oo dhawaan Xaaf magacaabay.

Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb ka sheegay in maal maha soo socda ay is badalo muuqda samaynayaan in kastoo uusa cara baabin waxa ay qabanaayaan.

Waxaana muuqata inaan wax xala laga gaarin xiisada siyaasadeed ee madaxda Galmudug ee kula sugan Dhuusamarreb iyo Cadaado,kulamadaan ayaa ku soo aadaya xili deegaanada qaar ay ka jiraan colaado u dhexeeya beelo walaalaa oo wada daga.

Galmudug waxaa ku soo laalaabtay khifaafka u dhexeeya madaxda sare ee maamuulkaas oo sababtay inay labo magaalo xarumo ka kala dhigtaan.

 

 

Xafiiska Wararka QW/Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment