840 Views

Qaramada Midoobey oo lacag ugu deeqday Ayaxa ku habsaday Soomaaliya

Qaramada Midoobey oo lacag ugu deeqday Ayaxa ku habsaday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

.

Jimco: January 8, 2021

Qaramada midoobay ayaa shaacisay in ay 1.5 milyan oo dollar ugu deeqday la dagaallanka Ayaxa dhowaan ka dillaacay qaar ka mid ah Waddamada bariga Afrika.

Dhaqaalahan oo lasoo marsiiyay hay’adda QM u qaabbilsan Cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa inta badan loo isticmaali doonaa hawlgallada xakamaynta Ayaxa, iyadoo lagala dagaallamayo hawada iyo dhulka.

Ku xigeen xog-hayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa, Farhan Haq ayaa sheegay in tan iyo Disembar 2020 ay duufaanno ka dhaceen bariga Ethiopia iyo bartamaha Somaliya oo ay ka dhacday tii ugu xoogga badnayd ee Gati.

Bishii la soo dhaafay ayay hay’adda Cuntada iyo beeraha QM u qaabbilsan ee FAO codsatay dhaqaale dheeri ah si sare loogu qaado la dagaallanka Ayaxa ka dillaacay waddamada bariga Afrika oo ay u horreyso Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post