957 Views

Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiirka Warfaafinta

Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiirka Warfaafinta
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 11 , 2019 | QOL |   –Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay u yeereen wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, iyaga oo dalbaday in uu horyimaado 15 Bishaan.

 

Qoraal uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa lagu sheegay in Wasiir Maareeye loogu yeeray dalab ka yimid 11 Xildhibaan,si wax looga weeydiiyo arrimo la xiriira sharciyada Warbaahinta Qaranka.

 

 

 

Xildhibaannada gudbiyey mooshinka u yeeritaanka Wasiirka ayaa waxaa ay sheegeen in Warbaahinta Qaranka aan si siman looga baahin khudbadaha Xildhibaannada xilliyada ay socdaan doodaha Baarlamaanka,balse kaliya laga daayo Xildhibaannada taagersan Xukuumadda.

 

Axadii la soodhaafay ee Todobaadkaan ayaa waxaa Golaha Shacabka hortegay Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka dowlada federalka,kuwaas oo wax laga weeydiiyey Arrimo quseeyo Shaqadooda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment