933 Views

Pakistan oo xayiraad safar kusoo rogtay Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Pakistan oo xayiraad safar kusoo rogtay Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.
____________________________________________________________________________

Hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Pakistan ayaa maanta oo sabti ku dhawaaqday in ay xayiraad safar kusoo rogtay 23-Dal ilaa 30-ka April 2021 kadib markii Kiisaska Covid-19 ku kordhay Dalkaas.

Raadiyaha Pakistan oo baahiyay xogtaan ayaa ujeedka ku sheegay in Xukuumadda Islamabad ay go’aan ku gaartay in ay xadidaad ku sameyso Safarka dibadda uga imaanaya oo qaarkood Ajaanib ah & muwaadiniinta danaha gaarka ah u baxday.

Pakistan ayaa dalalka ay safarkooda joojisay ku magacawday (Heerka C) (Derajada saddexaad) waxa ay u badan yihiin waddamada ka dhaqaalaha hooseeya waana tan keentay in ay galkaas geliso magacyadooda.

“Duullimaadyada Caalamiga ah Pakistan ee ka yimaada Dalalka Tixda “C” diiwaankaas galay waala joojiyay ilaa 30-ka April, Muwaadiniinta Pakistan ee dib ugu soo guryo noqonaya dalkooda waxaa la marinayaa Baarista Kumbiyuuter waxaana usii dheer in 72-saac meel gaar ah lagu sii heynayo si loo hubiyo ka caafimaad qabta Covid-19” Sidaasi waxaa lagu yiri Warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Pakistan.

Dalalka Liiskaan kusoo baxay waxa ay kala yihiin: South Africa, Botswana, Ghana, Kenya, Comoros, Mozambique, Zambia, Tanzania, Rwanda, Brazil, Peru, Colombia, Chile, Eswatini, Zimbabwe, Lesotho, Malawi, Seychelles, Somalia, Suriname, Uruguay, Venezuela & India.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post