1026 Views

Wararkii ugu dambeeyay qaban qaabadda doorashada Madaxweynaha Galmudug

Wararkii ugu dambeeyay qaban qaabadda doorashada Madaxweynaha Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda Qaban qaabada doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo maalinta beri ah lagu waddo in ay ka dhacdo halkaasi.

Ammaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay,waxaana howlgallo ka wadda Magalada Ciidanka Booliska ee dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa kulamo kala duwan la leh Musharaxiinta dowlada ee ku sugan Dhuusamareeb iyo Guddiga doorashooyinka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale waxaa ku sugan Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo dhawaan garabka Ahlusunna ay u doorteen Madaxweyne.

War-Mutiyeed kasoo baxay Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa loogu baaqay DFS inay joojiso faragelinta dhismaha Maamul Gobaleedka Galmudug maadaama Xukuumaddu ay ku fashilantay dhismaha Galmudug Mid ah una qeybisay 3 Maamul.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment