762 Views

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo kusoo wajahan Muqdisho

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo kusoo wajahan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 1, 2020Wafdi horudhac u ah Madaxweynayeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacaddihii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in ay maanta iyo berri midkood soo gaaraan Muqdisho si ay ula kulmaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ciidamo ay iska soo hormariyeen labada Madaxweyne ayaa hadda ku sugan Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah ayaa Risaala u xaqiijiyay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu maanta soo gaari doono Muqdisho.

Ammaanka qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan wadooyinka Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post