291 Views

Dowladda Soomaaliya oo UNHCR kala hadashay wax ka qabashada abaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo UNHCR kala hadashay wax ka qabashada abaaraha.
____________________________________________________________________________

Isniin: Jun 20  2022

Amb. Maxamad Abdi Afeey oo ah Ergeyga Hay’adda  Qaxootiga Aduunka ee UNHCR u qaabilsan GEESKA  Afrika, oo uu wehliyo Magatte Guisse oo ah madaxa UNHCR Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey hawsha baaxada ee ay UNHCR ka wado arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha iyo gurmadka abaaraha.

Dhiniciisa ayuu Ergeygu warbixin ka siiyey Amb. Afey hawlaha hortebinta u leh xafiiska Ergeyga, isagoo hoosta ka xariiqay ahmiyada uu Madaxweynaha siinayo gurmadka abaaraha iyo xal u helidda Qaxootiga iyo barakacayaasha.

Labada dhinac ayaa isku raacay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sida ugu haboon oo sare loogu qaadi karo wacyi iyo wax u qabadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee Gobolka ku firirsan iyo barakacayaasha dalka gudihiisa ku tabaalaysan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post